Somalia: Israel Goods that causes Cancer that is used in Somalia

The Government of Saudi Arabia warned Somalia to avoid Foods and Goods from 
Israel that causes cancer.



                        
Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia oo ka digtay Raashin laga qaadayo
Cudurka Cancer-ka oo Israa'iil ay u soo dirtay Soomaaliya.
                        
                        
                        
                        
                        Posted: 8/21/2008 11:08:00 PM
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        
                        Shabelle: JIDDAH
                        Dowlada
Sucuudiga ayaa uga digtay Somalia in ladoonayo in lasoo galiyo Badeeco
sumeysan oo laga qaadayo cudurka Cancer-k gudaha dalka taasi oo lagu
soo sameeyay dalka Israa’iil.
 
Wasaaradda
ganacsiga ee sucuudiga ayaa maanta sheegtay in Israa’iil ay soo
marsiineyso badeecadahani wadamada Djibouti iyo Yemen si loosoo galiyo
Somalia.
 
badeecadahani
ayaaa waxaa kamid ah Sunta lagula dagaalamo cayayaanka, waxyabo loo
adeegsado bacriminta beeraha, waxyaabaha ay caruurtu kuciyaaraan,
Barafuuno, Sigaar, cabitaano gasacadeysan iyo waxyaabo macmacaan
kasameysan oo dhamantood sababi kara cudurka Cancer-ka.
 
Waxa
ay dowlada Sucuudiga kacodsatay ganacsatada Soomaaliyeed inay iska
ilaaliyaan alaabahaasi isla markaana dadkooda ay ka ilaaliyaan
waxyeelada ay geysan karto badeecadaasi.
 
Sarkaal
sare oo u hadlay dowlada dalka israa’iil oo diiday in magaciisa uu
sheego ayaa kutilmaamay hadalka kasoo yeeray Saudi Arabia inuu yahay
mid been abuur ah oo sucuudigu uu doonayo inuu kaga faaideysto xiriir
xumada kala dhaxeysa Israa’iil in dacaayad ay kaga fidiso Israa’iil.
 Hadalka
kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga ee wadanka Boqortooyada Saudi Arabia
ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan mas’uuliyiin katirsan dowladda
Federaalka ay fasaxeen raashiin qurmay oo aan u wanaagsaneyn inuu
bani’aadamka isticmaalo kaasi oo laga soo bixiyay dekedda weyn ee
Muqdisho xilli ay horeyna u sheegtay wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo
Dhulka in raashiinkaasi baaritaan lagu sameyn doono oo guddi
loosaarayo, waxaana laga bixiyay dekedda iyadoon wax war ah kasoo bixin
wasaraddaasi.
                        

                        
                        
                        
                        
                        

                        
                        
                        
                        

                        Shebelle Media Network - Source of Somalia News
Muslims "must" unite all over the World
and pray for the appearance of al Mahdi (r.a.) the Saviour of mankind 
the descendent of Prophet Muhammed s.a.w.



      __________________________________________________________________
Instant Messaging, free SMS, sharing photos and more... Try the new Yahoo! 
Canada Messenger at http://ca.beta.messenger.yahoo.com/

Reply via email to